Kooxo hubaysan oo weerartay saldhigga dhexe magaalada Boosaaso.
Maleyshiyaad hubaysan oo u abaabulnaa hab beeleed ayaa weerar ku qaadday saldhigga dhexe ee magaalada Boosaaso, iyagoo isku dayay inay xoog kula baxaan hub ay dhawaan ay gacanta ku dhigeen ciidamada ammaanka Puntland.
Iska horimaad xooggan oo halkaas ka dhacay ayaa sababay dhimashada hal nin oo ka mid ahaa dableydii weerarka soo qaadday, sida ay noo xaqiijiyeen ilo ka tirsan hay’adaha amniga.
Ciidamada amniga ee saldhigga Boosaaso ayaa iska caabiyay weerarka, taasoo keentay in kooxdii weerarka soo qaadday ay dib uga gurtaan goobta.
Puntland ayaa ciidamo ku xoojisay saldhigga dhexe ee Boosaaso, si looga hortago isku dayo kale oo la xiriira la wareegidda hubka.
Falkaan ayaa dhacay xilli uu magaalada Boosaaso ku sugan yahay madaxweynaha Puntland Siciid Deni.
Dhawaan ayay ahayd markii magaalada Garowe uu sidoo kale ka dhacay iska horimaad geystay dhimashada saddex askari iyo dhaawaca tiro intaas ka badan oo uu ku jiro taliyihii madaarka Garowe.
Dhacdadaan ayaa la xiriirtay markii ciidanka amniga ay weerareen ciidamo katirsan PSF oo lagu eedeeyay inay wateen gaari Bas ah oo laga dhacay Puntland.