Guddiga doorashooyinka Soomaaliya oo mudo kordhin u sameeyay diiwaan galinta Ururada dalka

Guddoomiyaha guddiga doorashooyinka Qaranka Soomaaliya Cabdikariin Axmed Xasan oo maanta shir jaraa’id ku qabtay magaalada Muqdisho ayaa shaaca ka qaaday in mudo kordhin u sameeyeen waqti diiwaan galinta Ururada dalka oo ku ekeyd 31-ka bishaan Maarso.

Guddoomiye Cabdikariin ayaa sheegay in mudo kordhinta ay ku timid codsi uga yimid qaar ka mid ah Ururada, islamarkaana guddiga doorashada uu qaatay in mudo 21 cisho ah lagu daro.

“Dhawrkii maalmood ee lasoo dhaafay waxaan wada hadal la sameynay Ururadii hori isku diwaangeliyay iyo kuwa weli shaqadooda socoto, waxay naga codsadeen in 21, beri loogu daro, guddiga shir uu codsigaas ka yeeshay Shalay waxaa lagu go’aamiyay in lagu daro mudo 21 cisho ah, maadama muddadii ahayd ay ku ekeyd 31-ka bishaan Maarso” ayuu yiri guddoomiyaha gudiga doorashooyinka Qaranka Cabdikariin Axmed Xasan.

Wuxuu sidoo kale tilmaamay guddoomiyaha guddiga doorashooyinka in doorashada Golaha deegaanka ay qaban doonaan dhamaadka bisha June ee sanadkaan 2025-ka.

“Doorashooyinka Golaha deegaanka waxaan qaban doona bisha June, howsheeda ka guddi ahaan si wanaagsan ayay inoogu socota” ayuu yiri guddoomiye Cabdikariin Axmed Xasan.

Si kastaba ha ahaatee Gudiga doorashooyinka Qaranka Soomaaliyeed ayaa dadaal badan ku bixinaya sidii ay dalka ay uga qaban lahayeen doorasho qof iyo cod ah, xili siyaasiyiinta Mucaaradka iyo madaxda maamulada Puntland iyo Jubbaland ay kasoo horjeedaan in la qabto doorasho qof iyo cod ah.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker