Guddida Arrimaha Bulshada ee Golaha Wakiillada oo kormeer shaqo ku tageen Dhakhtarka weyn ee Magaalada Berbera.
Guddida Arrimaha Bulshada ee Golaha Wakiillada oo uu hogaaminayo Gudoomiyaha Guddida Mudane Axmed Jaamac Saalax (Axmed-khalif) iyo Xubnaha kale ee Guddida ayaa waxa ay maanta kormeer shaqo ku tageen Dhakhtarka weyn ee Magaalada Berbera.
Ujeedada kormeerkan ayaa ah, sidii macluumaad dheeraad ah loogu heli lahaa Qabyo qoraalka Xeerka Guud ee Caafimaadka Jsl. Oo ay Guddidu ku hawlantahay samayntiisa iyo dhamaystirkiisa.
Waxaana Gudidda ku soo dhaweeyay dhakhtarka Agaasimaga Guud ee Berbera.