Ciidamada Suudaan oo lagu eedeeyay in ay boqolaal qof ku dileen weerar cirka ah oo ka dhacay suuqa Daarfuur

Mid ka mid ah kormeerayaasha dagaalka ee Suudaan ayaa ku eedeeyay millatariga inay weerar xagga cirka ah ku dileen boqolaal qof kaas oo ay ay ku qaadeen suuq ku yaal gobolka Daafuur ee galbeedka dalkaas.

Kooxda Qareenada deg-degga ah – oo diiwaangeliya tacaddiyada labada dhinac ee dagaalka sokeeye ee Suudaan ka qarxay Abriil 2023 – ayaa sheegay in duqeynta suuqa Turrax ay ahayd “xasuuq ba’an” oo sidoo kale sababay boqolaal dhaawac ah.

Muuqaalo lagu baahiyay baraha bulshada – oo qaarkood ay soo bandhigeen kooxda ay iska soo horjeedaan ciidamada ee loo yaqaano Rapid Support Forces (RSF), oo ah koox dabley ah oo maamula inta badan gobolka Darfur – ayaa muujinaya burburka qiiqa ee suuqyada iyo meydadka gubtay oo aan la aqoonsan karin.

Afhayeen u hadlay militariga ayaa beeniyay in la bartilmaameedsaday dadka rayidka ah, isaga oo sheegay in kaliya ay weerareen bartilmaameedyo ay cadawgu leeyihiin oo ay ula jeedaan RSF.

Ciidamadana qalabka sida ee Suudaan iyo RSF ayaa labaduba marar badan lagu eedeeyay in ay duqeeyeen goobo ay dad rayid ah ku sugan yihiin.

RSF ayaa diyaaradaha aan duuliyaha lahayn geysay Daarfuur, balse ciidanku waxa ay haystaan ​​diyaaradaha dagaalka – waxayna si joogto ah u duqeeyaan fariisimaha RSF ee gobolka.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker