Abiy Axmed oo Tigreega weydiistay inay soo sharraxaan madaxweyne

Ra’iisul wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed ayaa weydiistay dadka gobolka Tigray inay soo magacaabaan murashax noqonaya madaxweynaha KMG ah ee gobolkaas.

Arrintan ayaa timid ka dib markii maamulku u kala jabay laba garab; qaar taabacsan Debretsion Gebremikael oo hore u ahaa madaxweynihii kililkaas, iyo Gatechew Reda oo madaxweyne ka noqday wixii ka dambeeyey heshiiskii Pretoria.

Xafiisyada maamulka ayaa waxaa hadda gacanta ku haya garabka Debretsion oo gacan ka helaya dabley hubaysan, halka Getachew uu ku tilmaamay in gobolka “inqilaab” lagu haysto.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker