Maxbuus Ka Soo Dhex Qayliyey Jeelka Magaalada Burco Iyo Dhacdada Ku Duugan.
โIfka inta la nool yahay wax la is taraaye, Cabdiraxmaan Muuse Axmed Fidhin waa maxbuus qeylo-dhaan ka Soo Yeedhay oo ku dhex dhibateysan jeelka Burcoโ
Ifka inta la nool-yahay wax la is taraaye, Cabdiraxmaan Muuse Axmed Fidhin waa maxbuus ku xidhan xabsiga dhexe ee magaalada Burco muddo sannad iyo dheeraad ah ayaa dar ILAAHAY ummadda Soomaaliyeed uga codsaday in laga bixiyo lacag dhan $13, 000 Dollar (Saddex iyo tobban kun oo Dollar) oo dayn ah oo loo haysto oo uu u xidhan-yahay, si uu u helo xoriyadiisa.
Maxbuuskan oo ah muwaadin reer Somaliland ah ayaa muddo sannad iyo badh ah ku xidhan jeelka Burco, kadib markii maxkamada Burco ku xukuntay xidhig dheer oo kaga ekaa 26 September 2024, kaas oo muddo dhaaf ah. Isaga oo maxbuusku uu sheegay in isaga iyo qoyskiisu yihiin dad faqiir ah oo aan awoodin inay bixiyaan lacagta daynta ah ee loo heysto sidaas darteed-na loo baahan yahay in loo gurmado.
โWaxaan ahay maxbuus ku dhex dhibaateysan jeelka Burco oo loo haysto deyn dhan $13, 000 Dollar (Saddex iyo tobban kun oo dollar), dar ILAAHAY waxaan umadda Soomaaliyeed ee muslimiinta uga codsanaya inay iga soo bixiyaan dayntaas ILAAHAY,โฆ..Walaalayaal ceelna iima qodna cidna ima maqna ee ii gurmada Walaalahayoowโฆโ Sidaa waxa yidhi Maxbuus Cabdiraxmaan Muuse Axmed Fidhin oo ku xidhan jeelka Burco.
Maxbuus Fidhin ayaa fariin uu ka soo diray jeelka Burco waxa uu bulshada reer Somaliland ee muslimka ah mar labaad ka codsaday inay il naxariis leh ku eegaan arrinkiisa oo dhug u yeeshaan qaylo dhaanta ka soo yeedhay bisha Barakeysan ee Ramadaan inay u uruuriyaan qaadhaan oo ay ka soo bixiyaan lacagta daynta ah ee loogu haysto madax furashada. qof kastana wixii uu ii awoodi karo uu kaga soo qeybqaato qaadhan uruurintaas.
Ifka inta la nool yahay-baa wax la is-taraaye dar ILAAHAY ugu gurmada walaalkeen Cabdiraxmaan Muuse Axmed Fidhin oo deyn ugu xidhan Jeelka Burco oo aanay cidna u maqnayn ceelna u qodnayn.
Walaalkayga muslimka ah dar ILAAHAY u soo caawinayaa qaadhaanka loo uruurinayo Walaalkeena ku xidhan Jeelka Burco waxa uu wax ku soo hagaajinayaa Akoonada hoos ku qoran ee ka soo qeybqaado.
Mobile: 00252-634291964 ZAAD
Mobile: 00252-654291964 E-DAHAB