Dhacda layaableh oo ka dhacday dalka Maraykanka
Saddex dhallinyaro ah oo u dhashay dalka Maraykanka ayaa gurigii ay dagenaayeen ku weeraray hooyadood oo ku jirta kijada, ka dib markii ay Hooyadu ka damisay Wi-fi-ga ama Internet-kii guriga ugu jiray, waxaannay ku weerareen Mindiyo.
Saddexda wiil ee walaalaha ah ayaa maamulka Taxes sheegeen in da’doodu ay kala tahay mid 14 jir ah, mid 15 jir ah iyo mid 16 jir ah, waxaanna wararku sheegayaan in markii ay kijada iskala soo baxeen, hooyadood waxay eryanayeen laamiga hor mara gurigoodda iyagga oo midiyihi sita, Intaas kuma aysan joogine waxay xitaa kala tuureen Ayaydood oo is lahayd ka qabo oo hooyadood iyaga ka difaacaysay.
Hooyada iyo Islaanta da’da ah ayaan dhaawac culusi soo gaadhin, balse saddexda wiil ayaa xabsiga loo taxaabay waxaannu lagu soo oogay dambi ah in ay gaysanayeen isku day dil, sidda maamulka Taxes sheegeen.
Dhacdadan ayaa noqotay mid aan hore loo arrag isla markaanna ka dhacday dalka Maraykanka.