𝐌𝐚𝐝𝐚𝐱𝐰𝐞𝐲𝐧𝐚𝐡𝐚 𝐉𝐚𝐦𝐡𝐮𝐮𝐫𝐢𝐲𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐒𝐨𝐦𝐚𝐥𝐢𝐥𝐚𝐧𝐝 𝐨𝐨 𝐤𝐚 𝐪𝐚𝐲𝐛 𝐠𝐚𝐥𝐚𝐲 𝐒𝐡𝐢𝐫𝐤𝐚 𝐒𝐢𝐲𝐚𝐚𝐬𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐂𝐚𝐚𝐟𝐢𝐦𝐚𝐚𝐝𝐤𝐚 𝐐𝐚𝐫𝐚𝐧𝐤𝐚

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro) ayaa maanta (25.03.2025) ka qayb galay Shirka Siyaasadda Caafimaadka Qaranka JSL oo ay soo diyaarisay Wasaaradda Horumarinta Caafimaadka, laguna qabtay Huteelka Ambassador magaalada Hargeysa.

Madaxweynuhu waxa uu halkaasi ka jeediyay khudbad muhiim ah oo dhinacyo badan taabanaysa. Khudbada Madaxweynaha ayaa hoosta ka xariiqday sida ay Xukuumadda Wadajir iyo Waxqabad uga go’an tahay in si hagar la’aan ah loo kordhiyo loona tayeeyo adeegyada caafimaadka aasaasiga ee bulshada JSL. Madaxweynaha waxa uu sheegay in helitaanka adeegyada caafimaadku ay tahay Xuquuq Aasaasi ah oo ay leeyihiin muwaadiniinta reer Somaliland.

Madaxweynuhu waxa uu sheegay in Xukuumad ahaan aanay waxba la hadhi doonin sidii loo horumarin lahaa nidaamka caafimaadka dalkeena, iyada oo la ballaarinayo helitaanka daryeel caafimaad oo tayo leh, casriyeynta Xarumaha adeega Caafimaadka ee aasaasiga ah ee Gobollada iyo Degmooyinka, iyo maalgelinta adeegyada caafimaadka aasaasiga ah. Waxa uu ku booriyay dhammaan daneeyayaasha – Hay’adaha dawladda, Xirfadlayaasha daryeelka caafimaadka, iyo hoggaamiyeyaasha bulshada – in ay u midoobaan wax ka qabashada caqabadaha caafimaad si aynu u hiigsano horumar waara oo ah xagga adeegyada caafimaadka.

Hadalka Madaxweynaha ayaa ahaa mid leh dhiiri-gelin, isla markaana yididiilo gelinaya kalsoonida ay muwaadiniinta JSL ku qabaan barnaamijka tayaynta adeegyada caafimaadka ee Xukuumadda Wadajir iyo Waxqabad.

Dhinaca kale, Wasiirka, Wasiir-ku-xigeenka iyo Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Horumarinta Caafimaadka ayaa si qoto dheer oo farshaxannimo leh u faah-faahiyey ujeedada sugan ee Siyaadasada Guud ee Caafimaadka Qaranka ee xilliga dhaw iyo xilliga dheer. Qodobbada ugu muhiimsan ee ay masuuliyiinta Wasaaraddu ku soo koobeen ujeedada Siyaasadda Caafimaadka Qaranka waxa ugu mudnaa:

1. Aasaaska iyo Hirgelinta Caymiska caafimaadka qaranka (National Health Insurance),

2. Qorsha Maalgalinta Caafimaadka Qaranka (National Health Financing Strategy),

3. Nidaamka Daadejinta Caafimaadka heer Degmo. (National health Decentralization Plan),

4. Xoojinta Xidhiidhka Iskaashi ee Wasaaradda Horumarinta Caafimaadka iyo Daneeyayaasha Caafimaadka,

5. Fududaynta Adeegyada Caafimaad ee Dadka la nool Baahiyaha gaarka ah.

6. La Tacaalidda Xanuunnada Raaga,

7. Aasaaska Xarunta Xakamaynta Cudurrada ee Somaliland (Somaliland CDC) .

 

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker