Sarkaal kale oo sare oo Xamaas oo la dilay isagoo dhaawac ah
Warbaahinta Falastiin ayaa ku soo warramaysa in ugu yaraan shan qof lagu dilay duqeymo ay diyaaradaha Israa’iil ka geysteen meel u dhow magaalada Khan Younis ee koonfurta magaalada Qasa.
Wararka ayaa sheegaya, in weerarradan ay ka dhaceen meel ku dhow laba iskuul oo ay maamusho hay’adda Qaramada Midoobay.
Duqeymahan ayaa imaanaya iyadoo ciidamada Israa’iil ay ballaariyeen duullaanka, iyadoo kumanaan askari oo dheeraad ah ay isku diyaarinayaan in loo daabulo marinka Qasa.
Gantaallada Israa’iil ayaa Axadi lagu garaacay xarunta ugu weyne ee caafimaadka ee ku taala magaalada Khan Younis, kaas oo uu ku dhintay sarkaal sare oo ka tirsan kooxda Xamaas.
Ismaaciil Barhoum, madaxa dhaqaalaha kooxda, ayaa lagu dabiibayay isbitaalka, ka dib dhaawacyo afar maalmood ka hor ka soo gaaray duqeynta Israa’iil.
Mid ka mid ah ku xiigeenadiisa ayaa sidoo kale dhintay, iyo sidoo kale saddex kale oo ku jiray qaybta qalliinka ee isbitaalka.
Israa’iil waxay sheegtay inay bartilmaameedsatay xubin muhiim ah u ah kooxda Xamaas.