Midowga Afrika oo sheegay inuu xoojinayo taageerada Soomaalya

Midowga Afrika ayaa sheegay inuu sii xoojinayo taageerada Soomaaliya. Waxaa uu sheegay inay sii wadi doonaan dedaallada loo baahanyahay si loo gaaro yoolka howlgalka cusub ee AUSSOM wixii loo gaaro bisha July ee sanadkan 2025-ka.

Guddoomiyaha Midowga Afrika, Maxamuud Cali, oo khudbad ka jeedinayay Muqdisho, ayaa sheegay inay jiraan caqabado xaga dhaqaalaha, balse ay diyaar yihiin isla markaana ay ka go’antahay inay nabad ku soo dabaalaan Soomaaliya.

Dhanka kale, madaxweynaha Soomaaliya, Xassan Sheekh Maxamuud, ayaa sheegay in Soomaaliya loo huray dhiig iyo nafo badan oo Afrikaan ah oo muhiimaddana ay ahayd in Soomaaliya ay dib cagaheedda ugu istaagto.

Waxaa uu dhanka kale u mahad caliyay abaalka midowga Afrika ee Soomaaliya.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker