Booliska Kenya oo ka hadlay weerar ay Al shabaab ku qaadeen magaalada Gaarisa
War kasoo baxay Taliska Booliska Kenya ayaa lagu sheegay in rag hubeysan oo ka tirsan Kooxda Al shabaab ee ka dagaalanta Soomaali ay weerar ku qaadeen xero booliis oo ku dhow xuduudda ay wadaagan Soomaaliya iyo Kenya, halkaas oo ay ku dileen lix ka mid ah ciidamada keydka ah, hubna ka qaateen.
Afhayeenka Booliska Michael K Muchiri ayaa sheegay in weerarka oo ka dhacay xero ku taalla ismaamulka Garissa oo ay fuliyeen dagaalyahano ka tirsan Al-Shabaab oo xiriir la leh Al-Qaacidda ay sidoo kale dhaawacyo halis ah gaarsiiyeen afar ka mid ah ciidamada Kaydka ah Kenya.
Muchiri ayaa shaaca ka qaaday in dableyda Al shabaab ay rasaas huwiyeen askarta oo ay qaar kalana tooriyeeyeen, kadibna ay bililiqeysteen xerada, hubna ay ka qaateen. Waxa uu intaa ku daray in tiro aan la shaacin oo ka tirsan maleeshiyaatka al shabaab lagu dilay inta weerarka uu socday.
Degaannada xuduuda ah ee ku dhow xuduudka Kenya iyo Soomaaliya ayaa marar badan waxaa dhowr jeer u suurta gashay Kooxda Al shabaab inay kasoo gudbaan ayna weeraraan Ciidamada Booliska Kenya.
Todobaadki hore ayay aheyd markii safaarada Mareykanka ee dalka Kenya ay soo saartay digniin ku aadan in dadka Mareykanka ah aysan u safrin degaanada xuduuda ah oo ay Soomaaliya iyo Kenya wadaagaan sababo la xiriira qatarta weeraro iyo afduubyo oo ay sameyn karaan Al shabaab