𝗠𝗮𝗱𝗮𝘅𝘄𝗲𝘆𝗻𝗮𝗵𝗮 𝗝𝗦𝗟 𝗢𝗼 𝗞𝗼𝗿𝗺𝗲𝗲𝗿 𝗸𝘂 𝘁𝗮𝗴𝗮𝘆 𝗗𝗲𝗸𝗮𝗱𝗱𝗮 𝗕𝗲𝗿𝗯𝗲𝗿𝗮, 𝗛𝗮𝗮𝗺𝗮𝗵𝗮 𝗞𝗮𝘆𝗱𝗸𝗮 𝗦𝗵𝗶𝗱𝗮𝗮𝗹𝗸𝗮 𝗤𝗮𝗿𝗮𝗻𝗸𝗮, 𝗧𝗮𝗹𝗶𝘀𝗸𝗮 𝗖𝗶𝗶𝗱𝗮𝗻𝗸𝗮 𝗶𝗹𝗹𝗮𝗮𝗹𝗮𝗱𝗮 𝗫𝗲𝗲𝗯𝗮𝗵𝗮 𝗶𝘆𝗼 𝗴𝗼𝗼𝗯𝗼 𝗸𝗮𝗹𝗲.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Mudane Dr Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi Cirro iyo weftigii uu hoggaaminayey ayaa isagoo weli ku gudo-jira safarkiisii shaqo ee uu ku joogey Gobolka Saaxil wuxuu maanta soo kormeeray Dekadda caalamiga ah ee Magaalada Berbera iyo Haamaha Kaydka shidaalka iyo goobo kale oo mihiim ah.

Madaxweynaha oo ay wehelinayaan maamulka heer gobol iyo heer degmo ee magaalada Berbera, ayaa ugu horrayn kormeer indho indhayn ah ku tegay Aagga ka caagan degista ee Badda xeeligeeda ,kaas oo cabirkiisu uu dhan-yahay laba boqol oo mitir (200M),halkaas oo uu war-bixin kaga dheggaystay Wasiirka Hawlaha guud dhulka iyo guriyeynta iyo maamulka Degmadda Berbera iyo Guddoomiyaha Gobolka Saaxil.

Sidoo Kalena Madaxweyne Dr Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi ayaa soo kormeeray Marsada caalamiga ah ee magaalada Berbera, waxaanu Madaxweynuhu uu indho indheeyey mashaariic-da waaweyn ee ay shirkadda Dekedda gacanta ku haysa ee DP World ka hirgelisay gudaha Dekedda iyo qalab casri ah oo ay keentay,isagoo war-bixin ka dhegaystay maamulka Dekadda ,kuwaas oo ku dheeraaday horumarka muuqda ee ay ku tallaabsatay Dekeddu

Dhanka Kalena Madaxweynaha JSL Dr Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi ayaa soo kormeeray kaydka haamaha shidaalka Qaranka ee Magaalada Berbera,halkaas oo uu war-bixin kaga dhegeystay Mareeyaha Kaydka Hamaha Shidaalka Mudane Maxamed Sidiiq Dhamme,kaas oo si waafi ah uga xog-waramay qorshaha horumarineed iyo hiigsiga mustaqbalka dhaw,isagoo xusay inay dhawaan awood u yeellan doonnaan inay buuxiyaan baahida shidaal ee qaar kamid ah dalalka deriska, maddaama oo la kordhinayo oo kor loo qaadayo xaddiga haamahana

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi Cirro ayaa maamulka Gobolka Saaxil iyo ka degmada Berbera iyo bulshada reer Saaxil-ba ku bogaadiyey sida ay xilka iskaga saaraan ilaalinta nabadda oo ah furraha horumarka,waxaanu sheegay in xukuumadda wadda jir iyo wax-qabad ay hirgelin doonto mashariic lagu diirsan doonno dhawaan,isla markaana ay Berbera ku soo socdaan maalgashiyo waa weyn oo calami ah.

Gunaanadkii Madaxweynaha JSL ayaa soo kormeeray shaybaadhka casriga ah ee hubinta tayada cuntada, daawada iyo agabka kale, isagoo u guur-galay qaabka uu u shaqeeyo,isla markaana war-bixin ka dheggaysaytay masuuliyiinta iyo shaqaalaha.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker