Wiil Dhallinyaro Soomaali ah oo lagu dilay magaalada Tottenham ee dalka Ingiriiska

Sida ay xaqiijiyeen booliiska magaalada Tottenham ee carriga Ingiriiska, wiil dhallinyaro Soomaali ah ayaa Khamiistii u geeriyooday toogasho loo geystay, halka wiil kalena dhaawac soo gaadhay, sida ay baahisay ITV.

Mahad Cabdi Maxamed, oo ahaa 27 jir Soomaali ah, ayaa u geeriyooday dhaawac kasoo gaadhay xabbad madaxa lagaga dhuftay Khamiistii abaare 8:45 fiidnimo, halka wiil kale oo 26 jir ahna uu dhaawac lugta kasoo gaadhay. Booliisku ma sheegin magaca wiilka labaad.

Qoyska wiilka dhintay oo qoraal soo saaray ayaa sheegay in ay aad uga murugaysan yihiin geerida wiilkooda. “Qoyskayagu waxa uu ka warwarsan yahay geerida xanuunka badan ee ku timid wiilkayaga, walaalkay, aabbahay, iyo saaxiibkay,” ayaa lagu yidhi bayaanka qoyska.

Dambi-baadhe Rebecca Woodsford, oo ah baadhaha kiiskan oo weli aan cidna loo qaban, ayaa tidhi: “Waan dareemi karnaa saamaynta ay dhacdadani ku yeelan doonto bulshadeenna. Waxaanu ururinaynaa cadaymo ku saabsan waxa sababay masiibadan.”

“Waxaan ka codsanayaa qof kasta oo goobta joogay 8:00 habeenimo ka dib inuu la soo xidhiidho booliiska. Haddii aad aragtay wax aad ka shakiday, xogtaadu waa noo muhiim,” ayay tidhi Woodsford.

In kasta oo aan weli la ogayn sababta rasmiga ah ee ka dambaysa dhacdadan, haddana sannad kasta dalka Ingiriiska waxaa lagu dilaa dhallinyaro Soomaali ah, kuwaasoo la toogto ama la tooriyeeyo. Waxaana inta badan sabab u ah dhallinyarada oo kooxo kooxo isku ugaadhsada iyo isticmaalka maandooriyaha.

Warbixin ay BBC-du baahisay sannadkii 2019 ayaa lagu sheegay in boqollaal dhallinyaro Soomaali ah oo reer UK ah dib loogu soo celiyay magaalooyinka Hargeysa, Muqdisho, iyo Nayroobi, iyada oo laga cabsi qabo in dhallinyaro kale ay u gaadhsadaan.

Hoggaamiyeyaasha bulshada Soomaaliyeed ee ku dhaqan UK ayaa BBC-da u sheegay in dhallinyarada qaarkood xitaa magacyadooda la beddelay markii waddanka lagu soo celiyay, iyada oo laga baqayo in la dilo.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker