Garsoorka dalka Turkiga ayaa amar ku bixiyey in xabsiga si toos ah loogu hayo maayirkii magaalada Istanbul

Garsoorka dalka Turkiga ayaa amar ku bixiyey in xabsiga si toos ah loogu hayo maayirkii magaalada Istanbul Akram Imam Oglo kaas oo Arbacadii ay laamaha ammaanku xidheen.

Maayirkan hoggaamiyaha magaalada ugu dhaqaalaha badan dalka Turkiga ayaa loo haystaaa eedo ay ka mid yihiin in uu ku kacay musuq maasuq baahsan iyo in uu maal geliyo kooxaha argagaxsida.

Xadhigiisa ayaa bannaan baxyo waaweyn ka abuuray dalka Turkiga halkaas oo dadka taageersani ay dalbanayaan in la sii daayo.

Akram Imam Oglo ayaa isu diyaarinayey in uu la tartamo Erdogan sannadka 2028-kii, balse hadda waxa uu noqday maxbuus eedo loo haysto.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker