Diyaarad ku burburtay meel duleedka ka ah Magaalada Muqdisho
Diyaarad xamuul ayaa gelinkii dambe ee Sabtidii ku burburtay meel u dhow deegaanka Ceel Xabaalow oo dhanka koonfureed kaga beegan Magaalada Muqdisho. Ceel Xabaalow ayaa ku dhow deegaanka Jasiira oo aan ka fogeyn Muqdisho.
Wararka ayaa sheegaya in diyaaraddu ay lumisay xiriirkii isgaarsiinta, ka hor inta ay ku burburin deegaankaasi oo ka tirsan Gobolka Shabellaha Hoose.
Dowladda Federaalka ayaa gurmad degdeg ah u dirtay deegaankaasi, ka dib markii la helay macluumaad sheegaya inay halkaasi ku dhacday.
Ciidanka Gaarka ee Alpha Group ama Gaashaan ayaa la sheegay inay xalay gaareen deegaankan.
Diyaaradda ayaa waxaa la socday shan shaqaale oo uu ku jiro duuliyihii diyaaraddan oo nooceedu uu ahaa DHC-5 Buffalo.
Hay’adda Duulista Rayidka Soomaaliyeed ayaa goor dhow xaqiijisay in dhammaan shantii qof ee diyaaradda la socday ay dhinteen.
Diyaaraddan ayaa shilka la kulantay, ka dib markii ay ka soo duushay Degmada Dhoobley ee Gobolka Jubbada Hoose, ayna ku sii jeeday Garoonka Diyaaradaha Aadan Cadde ee Magaalada Muqdisho.
Diyaaraddan ayaa ahayd mid ka diiwaan-gashan dalka Kenya. Dhammaan shaqaalaha geeriyooday ayaana loo maleynaya inay Kenyan ahaayeen.
Shilalka diyaaradaha ayaa sanadahanba ku soo badanayay Gobolada Koonfurta & Bartamaha Somaliya.