𝐌𝐚𝐝𝐚𝐱𝐰𝐞𝐲𝐧𝐚𝐡𝐚 𝐉𝐚𝐦𝐡𝐮𝐮𝐫𝐢𝐲𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐒𝐨𝐦𝐚𝐥𝐢𝐥𝐚𝐧𝐝 𝐨𝐨 𝐝𝐡𝐚𝐠𝐚𝐱-𝐝𝐡𝐢𝐠𝐚𝐲 𝐌𝐚𝐚𝐧𝐭𝐚 𝐌𝐚𝐬𝐡𝐫𝐮𝐮𝐜𝐚 𝐓𝐚𝐲𝐞𝐲𝐧𝐭𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐁𝐚𝐥𝐥𝐚𝐚𝐝𝐡𝐢𝐧𝐭𝐚 𝐊𝐨𝐫𝐚𝐧𝐭𝐚𝐝𝐚 𝐌𝐚𝐠𝐚𝐚𝐥𝐚𝐝𝐚 𝐁𝐞𝐫𝐛𝐞𝐫𝐚

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland oo dhagax-dhigay Mashruuca Tayeynta iyo Ballaadhinta Korantada Magaalada Berbera
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi Cirro iyo wefti uu hoggaaminayo oo safar shaqo ku jooga Magaalada Berbera,ayaa dhagax-dhigay maanta Mashruuc ballaadhinta iyo tayeynta Koranta Magaalo xeebeedka Berbera.

Safarka uu madaxweynuhu ku maray magaalo Xeebeedka Berbera ayaa ahaa mid halbowle u ah horumarka Gobolka Saaxil iyo kobcinta kaabayaasha adeegyada bulshada magaalada Berbera.

Munaasabad Xaflad dhagex-dhigga Mashruucan mihiimka u ah Bulshada ayaa waxa ka soo qayb-galay masuuliyiin kale duwan iyo maamulka Gobolka Saaxil,madax-dhaqameed iyo marti sharaf kale oo tiro badan.

Mashruucan ballaadhinta iyo tayeynta Korantada Magaalada Berbera ayaa waxa Somaliland ka taageeraya Baanka Adduunka,waxaana ku baxaysa lacag gaadhaysa labaatan Milyan oo Dollar ($20 Million Dollar),waxaanu mashruucani noqon doonnaa mid wax weyn ku soo kordhin doonna horumarka korantada Magaalada Berbera.

Ugu horeyn waxa halkaas ka hadley Maayarka Magaalada Berbera iyo badhasaabka Gobolka Saaxil,kuwaas oo sheegay in Mashruucani uu wax weyn ka tari doonno baahid laydhka Magaalada,maddaama ay reer Berbera heli doonnaa dhawaan laydh jaban oo tayo leh.

Waxaa ay sheegaan in Xukuumadda wadda jir iyo wax-qabad ay mudnaan gaar ah siinayo Magaalada horumarka dhaqaalaha dalka ee Berbera,iyagoo hirgelinta Mashruucan mihiimka u ah bulshada ku boggaadiyeen Madaxweyne JSL oo isagu fullinaya ballan-qaadkiisii xilligii ollolaha ee ahaa inay Berberi heli doonta laydh jaban oo tayo leh.

Wasiirka Wasaaradda Macdanta iyo tamarta ayaa isna halkaas ka hadlay ayaa faah-faahin ka bixiyey Mashruucan waxaanu sheegay inuu Mashruucani yahay mid lagu ballaadhinayo oo lagu tayeynayo korantada Magaaalada Berbera,waxaanu sheegay in Mashruucani uu oo isugu jiro 12MW solar ah iyo 36mw oo kaydiye,isagoo xusay in la fullinayo ballan-qaadkii Madaxweynaha JSL

Dhanka Kalena Madaxweynaha JSL Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi Cirro ayaa si rasmi ah u dhegex-dhigay Mashruucan tayeynta iyo ballaadhinta korantada Magaalada Berbera,waxaanu maddasha ka jeediyey hadal kooban, isagoo u bushareeyey reer Berbera,

” ma rabno inuu ollalahayahigi been noqdo,waxaanu ku olloleynay in laydhka Berbera aanu jebin doonno oo aanu ka dhigi doonno 0.20%,haddaba ka Xukuumad ahaan maanta waxaanu goosanay in bisha soo socota ee toddobaad aanu laydhka Berbera jebino oo aanu ka dhigno 0.20%..”

Ugu Dambeyntii dhagax-dhigga Mashruucan tayenta iyo ballaadhinta korantada Berbera oo ah magaalada Xuddunta u ah dhaqaalaha Qaranka JSL , Xukuumadda Wadajir iyo Waxqabad waxa ka go’an hirgelinta iyo dhammaystirka Mashruucan ballaadhinta iyo tayeynta korantada Berbera ee uu Madaxweynuhu dhagax-dhigay,kaas ooay dhawaan bulshada reer Berbera ay ku diirsan doonnaan.

 

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker