๐๐๐๐๐ฑ๐ฐ๐๐ฒ๐ง๐๐ก๐ ๐๐๐ฆ๐ก๐ฎ๐ฎ๐ซ๐ข๐ฒ๐๐๐๐ ๐๐จ๐ฆ๐๐ฅ๐ข๐ฅ๐๐ง๐ ๐จ๐จ ๐ค๐ฎ๐ฅ๐ฅ๐๐ง ๐ข๐ฌ-๐ฑ๐จ๐ -๐ฐ๐๐ซ๐๐ฒ๐ฌ๐ข ๐๐๐ฎ๐ซ ๐ข๐ฒ๐จ ๐๐๐ฌ๐ก๐จ ๐๐ก ๐ฅ๐ ๐ฒ๐๐๐ฌ๐ก๐๐ฒ ๐๐๐ฅ๐๐๐๐ข๐ข๐ง๐ญ๐, ๐๐ฎ๐ช๐๐๐ฌ๐ก๐ ๐ข๐ฒ๐จ ๐๐๐ฑ-๐ ๐๐ซ๐๐๐ค๐ ๐๐จ๐๐จ๐ฅ๐ค๐ ๐๐๐๐ฑ๐ข๐ฅ.
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi Cirro iyo weftiga uu hoggaaminayo oo safar shaqo ku jooga maalintii labaad Magaalada Berbera, ayaa galabta kullan afur iyo casho ah qasriga Madaxtooyadda Magaalo xeebeedka Berbera kula yeeshay Odayaasha Wax-garadka iyo Haldoorka Gobolka Saaxil.
Kullankan ayaa ahaa is xog-wareysi guud iyo is-barasho,waxaanu Madaxweynuhu uu si kal furran ugu qaabiley Qasriga Madaxtooyadda Salaadiinta Cuqaasha iyo wax-garadka iyo haldoorka Gobolka Saaxil,kuwaas oo iyana Madaxweynaha uga mahad-celiyey sida wanaagsan ee uu u qaabiley iyo sida meeqaamka saraysa ee uu ugu soo dhaweeyey Qasriga Madaxtooyadda.
Sidoo kale kullankan ayaa waxa lagaga wada hadlay in laga wada shaqeeyo horumarka dalka,isla markaana la xoojiyo ka shaqaynta arrimaha danta guud ee Qaranka Somaliland meelna looga soo wada jeedo wixii Qarannimada wax u dhimaya.
Dhanka Kalena Salaadiinta iyo cuqaasha Gobolka ayaa uga mahad-naqay Madaxweynaha iyo Xukuumaddiisa jidka horumarka iyo wadda jirka ay dalka ku hoggaaminayso iyo mashaariicdda wax ku oolka ah ee lagu diirsaday ee ay ka hirgelinayso Magaalada Berbera iyo guud ahaan Gobolka Saaxil,waxaana ay halkaas ka soo jeediyeen hadalo ducooyin iyo dar-daaran ah.
Ugu Dambeyntii Madaxweynaha JSL Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi Cirro oo si hufan u dhegaystay haddaladooda ayaa uga mahad-naqay sida ay u garabtaagan yihiin Xukuumadda wax-qabad iyo wadda jir iyo tallooyinka iyo soo jeedimihii haldoorka kale duwan iyo wax-garadka,waxaanu sheegay inuu weelaystay soo jeedimaha ay u soo gudbiyeen, isagoo sheegay in si guud looga wadda shaqeeyo horumarinta dalka JSL.