๐๐๐๐๐ฑ๐ฐ๐๐ฒ๐ง๐๐ก๐ ๐๐๐ ๐จ๐จ ๐๐๐๐ก-๐๐ฎ๐ซ๐๐ฒ ๐๐๐ฌ๐ก๐ซ๐ฎ๐ฎ๐๐ ๐๐ข๐ฒ๐จ ๐๐๐ฅ๐ฅ๐๐๐๐ก๐ข๐ง๐ญ๐ ๐๐๐ ๐๐๐ฅ๐๐๐ ๐๐๐ซ๐๐๐ซ๐
Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland Dr Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi Cirro iyo weftigii ballaadhnaa ee uu hoggaaminayay oo weli ku guda jira maalintii 2-aad ee Safarkiisa shaqo ee Gobolka Saaxil gaar ahaan magaalada Berbera ayaa maanta dhagax dhiggay Mashruuca biyo ballaadhinta Magaalada Berbera.
Munaasibaddan oo ay madaxweynaha kala qayb galeen xubno kamid ah golaha wasiirrada, madaxda Gobolka Saaxil iyo Mareeyaha Wakaalada Biyaha Berbera, ayaa lagaga hadlay muhiimadda uu leeyahay mashruuca biyo ballaadhinta Berbera
Ugu horeyn Mareeyaha Wakaalada Biyaha Berbera Khadar Siciid Axmed (Firiko) ayaa madasha ka hadlay,waxaanu sheegay in mashruucani uu wax weyn ku soo kordhin doonno Biyaha Magaalada Berbera ,maddaama oo ay tahay Berberi Magaalo xeeb ah oo u baahan biyo badan,isla markaana ay xoolaha ka dhoofaya Dekadda isticmalaan.
Wasiirka wasaaradda horumarinta Biyaha Abubakar Cabdiraxmaan Good oo halkaas ka hadlay, ayaa sharraxay Mashruucan biyo ballaadhinta Berbera ,waxaanu sheegay in mashruucan uu yahay mid ay Dawladu hirgelinayso, isla markaana laga fulinayo Qasnada Dawlada.
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi Cirro oo halkaas ka hadlay, ayaa wasaaradaha Biyaha iyo Wakaalada Biyaha Berbera uga mahadnaqay in mashruucan la dhagax dhigo, waxana uu ku baaqay in hirgelintiisa la dedejiyo.
Ugu dambayntii, Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi ayaa si rasmi ah u dhagax-dhigay mashruucan biyo ballaadhinta Magaalada Berbera.