Wiil Soomaali ah oo lagu xidhay dalka Bangladesh

Ciidamada Ilaalada Xuduudaha ee dalka Bangladesh (BGB) ayaa xiray muwaadin Soomaali ah oo isku dayay inuu si sharci darro ah ku galo dalka Bangladesh, isagoo ka yimid Hindiya, waxaana uu ka ambabaxay xuduudka Parshuram upazila ee degmada Feni maanta oo sabti ahayd.

Sida laga soo xigtay Ciidamada Ilaalada Xuduudaha ee Bangladesh BGB, qofka la xiray waxaa lagu magacaabay Abdiwali Mohammed Ali, koox roondo ah oo ka socotay Ciidanka ilaalada xuduudaha ayaa qabtay muwaadinkaan Soomaaliga ah xilli uu si sharci darro ah uga gudbaayay xadka Hindiya kuna sii jeeday Bangladesh.

Shaqsiga la xiray waxaa lagu wareejiyay Saldhigga Booliska ee Parshuram Model waxaana lagu soo eedeeyay inuu ku xad gudbay sharciga ajnabiga ee la qoray sanadkii 1946 sida waafaqsan dastuurka dalkaasi qeybaha 3(2)(b)/13/14.

Taliyaha Ciidamada Ilaalada Xuduudaha ee Bangladesh ee Degmada Feni Gaashaanle Sare Mohammad Mosharraf Hossain ayaa sheegay in xoojinayaan hawlgallada ka socda xuduudaha iyadoo la kaashanayo warbixinada sirdoonka si loo xaqiijiyo amniga xuduudaha, ka hortagga tahriibinta, iyo joojinta soo gelitaanka sharci darrada ah.

Waxaa xusid mudan in waqti hore, 19-kii Maarso, qof u dhashay Nigeria, oo ay weheliyaan haweeney Suudaani ah iyo qof u dhalatay Zambia, ay xireenย  Ciidamada Ilaalada Xuduudaha ee Bangladesh

 

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker