Soomaalida ku nool Wajeer oo ka cabanaya cudurka Kelyo fadhiisiga oo aad ugu soo badanaya Gobolka Waqooyi Bari Kenya

Saraakiisha caafimaadka ayaa sheegay in Cudurka kelyo fadhiisiga uu aad ugu soo badanayo muddooyinkii u dambeeyay dhulka Soomaalida, iyada oo aad ay u kordhayso tirada dadka u baahanay ooa dhaqitaanka Kelyaha ama heer ay gaaraan in la beddelo.

Sidoo kale waxa ay tilmaameen in Isbitaalka guud ee Wajeer uu tirakoob uu sameeyey ku ogaaday in ragga ay yihiin kuwa ugu badan ee xanuunkaasi la dhiban, “Bukaanada ayaa 58 kamid ah ay yihiin rag, halka haweenka tiradooda ay gaarayso ilaa 21 dumar ah” waa sida lagu sheegay tirakoobka Isbitaalka.

Dr Daa’uud Cabdi Sheekh oo kamid ah dhakhaatiirta ismaamulka Wajeer ayaa wareysi uu siiyay BBC uga warbixiyay dadka reer Wajeer ee cudurkan uu soo ritay oo tiradoodu soo badanayso, iyo habka ugu wanaagsan ee cudurkaasi looga hortagi karo.

”Kelyo fadhiisashadu waa cudur kelyaha ku dhaca, waxayna ka bilaabataa wax yar oo aan qiimo lahayn oo wax laga qaban karo, sida dhiig karka oo kugu ridi kara, iyo kiniiniyada xanuun baabi’iyaha oo Soomaalidu aadka u cunaan” ayuu yiri dhakhtarku.

Baaritaan la’aanta aan joogtada ahayn ayeysan dad badani isaga warqabin in cudurkani uu soo hayo ama ay qabaan, iyada oo ay isbitaallada tagaan xilli aan waxba laga qaban karin oo kilyuhoodu fadhiisteen, sida uu dhaqtarku sheegay.

”Qofka Soomaaliga ah cudurkiisa waxaa la ogaadaa marka uu soo dhaco, qofka suu u fiican yahay wuu iska ordayaa wuu soo fadhiisanayaa, waa la baarayaa, kellidii inay fadhidaa la arkayaa, markaas oo ah goor dambe oo aan waxba laga qaban karin ilaa la dhaqo” ayuu sheegay Dr Daa’uud Cabdi oo ka hawlgala Wajeer.

Dr Daa’uud ayaa aaminsan isbedelka nolosha Soomaalida in uusan sabab u ahayn xanuunka kelyaha oo waxyaabaha keena ay aad u badan yihiin, Dadka qaba sonkorta iyo dhiig karka ayaa ah kuwa ugu badan ee laga diiwaan galiyay isbitaalka Wajeer ee la dhiban kelyo fariisashada.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker