Madaxweynaha Somaliland oo Gaadhay Berbera
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland DR. Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi Cirro iyo wefti ballaadhan oo uu hoggaaminayo ayaa saaka safar shaqo kaga jarmaaday Magaalada Hargeysa.
Waftigan ayaa waxaa si ballaadhan loogu soo dhaweeyey Magaallooyinka Dacar-budhuq, Abdaal,Lafaruug, Xamaas iyo magaalo xeebeedda Caasimada u ah Gobolka Saaxil ee Berbera, illaa Degmadda Sheekh waxana halkaas kusoo dhaweeyey boqolaal ka mid ah shacabka Gobalka Saaxil, kuwaas oo ay wejiyadooda ka muuqatay farxad iyo yididiilo.