๐Œ๐š๐๐š๐ฑ๐ฐ๐ž๐ฒ๐ง๐š๐ก๐š ๐‰๐’๐‹ ๐จ๐จ ๐ฑ๐š๐๐ก๐ข๐ ๐š ๐ค๐š ๐ฃ๐š๐ซ๐š๐ฒ ๐ฑ๐š๐ซ๐ฎ๐ง๐ญ๐š ๐๐ก๐š๐ช๐š๐ง๐œ๐ž๐ฅ๐ข๐ง๐ญ๐š ๐ข๐ฒ๐จ ๐›๐š๐ซ๐›๐š๐š๐ซ๐ข๐ง๐ญ๐š ๐๐šโ€™๐ฒ๐š๐ซ๐ญ๐š ๐ฌ๐ก๐š๐ซ๐œ๐ข๐ ๐š ๐ค๐ก๐ข๐ฅ๐š๐š๐Ÿ๐ญ๐š ๐ž๐ž ๐Œ๐ข๐ฃ๐š-๐œ๐š๐ฌ๐ž๐ž๐ฒ๐ž.

 

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi Cirro ,ayaa xadhiga ka jaray xarunta dhaqancelinta daโ€™yarta sharciga khilaafta ee Mijacaseeye,kaas oo ah xabsi u gaar ah dayarta,isla markaana si heer-sare ah lo qalabeeyey.

Munaasibadda xadhig-ka-jarka waxa madaxweynaha kala qaygalay Wasiirka Caddaalada Yoonis Axmed Yoonis iyo xubno kamid ah golaha wasiirrada, qaar kamid ah taliyeyaasha ciidamada, siyaasiyiin, haldoor iyo marti-sharaf kale, waxana laga jeediyey hadallo salka ku haya muhiimadda uu leeyahay Mijacaseeye iyo baahida loo qabay.

Wasiirka wasaaradda caddaaladda, Mudane Yoonis Axmed Yoonis, ayaa hoosta ka xarriiqay in Xukuumaddu wadda jir iyo wax-qabad ay tixgelin gaar ah siinayso daryeelka iyo bad-qabad dayarta,isla markaana uu xabsiga Mijacaseeye noqon doono mid dabaalo baahidii loo qabay.

Gunaanadkii Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi Cirro oo munaasibadda xadhig-ka-jarka hadallo kooban ka jeediyey, ayaa bogaadiyey bahda caddaaladda,waxaanu xusay in Mijacaseeye baahi badan loo qabay,isla markaana uu noqon doono hoyga barbaarinta dhallinyaradda sharciga khilaafta.

 

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker