Taliska Militariga Soomaaliya oo so bandhigay magacyada horjoogayaal iyo Nabadoono ka tirsan Al shabaab oo duqeyn lagu dilay
Taliska Militariga Soomaaliya ayaa war uu soo saaray ku faah faahiyay magacyada horjoogayaal iyo nabadoono ka tirsan Al shabaab oo saacadihii lasoo dhaafay lagu beegsaday bartamaha Soomaaliya.
Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, oo kaashanaya xuuraanka NISA, ayaa qaaday howlgal dhanka cirka ah oo ay fuliyeen diyaaradaha Ciidanka Cirka Soomaaliya iyo saaxiibada caalamka howllgalkaasi oo si gaar ah loola beegsaday horjoogayaal iyo nabadoono ku sugnaa deegaanka Dib-dheer ee Degmada Ceel-Buur Gobolka Galguduud.
Taliska ayaa tilmaamay in Howlgalkan lagu bartilmaameedsaday xubno sar sare oo ka tirsan kooxda Al shabaab, waxaana magacyadoodi kala yihiin:
1. Axmed Macalin โ Horjoogihii Al shabaab ee degmada Ceel-Buur.
2. Abuu Salmaan โ Horjoogihii Al shabaab ee deegaanka Ceel-Garas, Galgaduud.
3. Xuseen Cali Badal โ Horjoogihii Al shabaab ee deegaanka Xiindheere.
4. Budul Faarax Geedi โ Horjoogihii Al shabaab ee deegaanka Ceel-qooxle.
5. Sakariye โ Horjooge ka tirsanaa Al shabaab Galgaduud.
Sidoo kale, howlgalka waxaa lagu bartilmaameedsaday xubno kale oo nabadoono ah kana shaqeeynayay marin habaabinta bulshada degaanadaasi kuwaasi oo ay kamid yihiin.
1. Mire Cagdheer โ Horjooge ka tirsanย Al shabaab.
2. Muuse Cumar โ Horjooge ka tirsanย Al shabaab.
3. Maxamed U Rur โ Horjooge ka tirsanย Al shabaab.
4. Xaaji Bashiir โ Horjooge ka tirsanย Al shabaab.
Taliska ciidanka xooga dalka ayaa xaqiijiyay in howlgalkan uu daba socdo weerarkii taariikhdu markii ay ahayd 13-kii Maarso 2025, markaas oo Macawiisleyda degaanka ay si toos ah ula dagaalameen Al shabaabย ku sugnayd tuulada Bay-Caadle.
Ujeedka horjoogayaashu ay ugu sugnaayeen Maalin Nugur ayaa la xiriiray isku day ay ku doonayeen in ay ku cadaadiyaan shacabka Soomaaliyeed si ay ugu biiraan kooxda Al shabaab, iyaga oo baadi-goob ugu jiray geesiyaashii Macawiisleyda ee weerarka qaaday.