Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya oo sheegay in Xukuumaddu u guuri doonto jiidaha hore dagaalka lagula jiro Al shabaab
Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya Xamsa Cabdi Barre, ayaa maanta shir-guddoomiyey kulan deg-deg oo looga hadlayay amniga caasimadda iyo deegaannada ku xeeran iyo howlgallada lagu ciribtirayo kooxaha Khawaarijta.
War laga soo saaray gabagabadi kulanka ayaa lagu sheegay in Ra’iisul Wasaaraha, iyo Xukuumaddisu ay u guuri doonaan furrimaha dagaalka lagu ciribtirayo kooxaha Argagixisada ah ee ku dhuumaaleysanaya qeybo kamid ah gobollada dalka.
Ra’iisul Wasaaraha, ayaa sheegay in dadka Soomaaliyeed heystaan fursad muhiim ah oo waqti kooban lagu soo afjari doono kooxaha Al shabaab ah.
“Maadama ay ku jiraan marxalad dhammaad ah, lana doonayo in shacabka Soomaaliyeed gamcaha isu qabsadaan sidii ay qeyb uga noqon lahaayeen ilaalinta amnigooda iyo xasilloonida dalka, ayuy Ra’iisul wasaaruhu faray hey’adaha amniga in ay sii xoojiyaan xaqiijinta amniga caasimadda.” Sida lagu yiri war kasoo baxay shirkii Golaha wasiirada.
Kulanka ayaa sidoo kale lagu bogaadiyey howlgallada socda ee ciidamada xoogga dalka iyo kuwa deegaanku ay ku ciribtirayaan kooxaha baneystay dhiigga shacabka Soomaaliyeed ee laga sifeyn doono guud ahaan dalka.