Nuxurka warqad uu Madaxweyne Cirro u diray Madaxweynaha Taiwan
21 March 2025, Taipei – Waxa sharaf ii ahayd in aan la kulmo Dr. Lin Chia-Lung, Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Jamhuuriyadda Shiinaha (Taiwan), halkaas oo aan wada yeelanay wada-hadal midho dhal ah, qoto dheer kuna saabsan xoojinta xidhiidhka iyo iskaashiga labadayada dal. Wadahadalkayagu waxa uu diiradda saaray dhinacyo badan oo ay Jamhuuriyadda Somaliland (RSL) iyo Jamhuuriyadda Shiinaha (Taiwan) si dhow uga wada shaqeyn karaan si loo horumariyo yoolalka iyo danaha wadajirka ah.
Labada dal waxa ay weli ka go’an tahay adkaynta xidhiidhkooda istiraatiijiyadeed, xoojinta iskaashiga, iyo abuurista fursado cusub oo wada-shaqeyn ah.
Intii lagu jiray kulanka, waxa kale oo aan fursad u helay in aan wasiirka si rasmi ah u guddoonsiiyo warqad ka timid Madaxweyaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Abdirahman Mohamed Abdillahi “Cirro” kuna socotay Mudane Lai Ching-te, Madaxweynaha Jamhuuriyadda Shiinaha (Taiwan), taas oo muujinaysa saaxiibtinimada iyo wada-shaqeynta joogtada ah ee ka dhaxaysa labada dowladood.
Danjire Maxamuud Aadan Jaamac “Galaal”