Madaxweynaha Somaliland oo Dhagax dhig Doona Mashaaric laga Fulin doono Berbera

Madaxweynaha Somaliland Mudane, Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi(Cirro), ayaa maalinta Sabtida daahfuraya dib u dhis iyo casriyeyn lagu sameeyey 𝐱𝐚𝐫𝐮𝐧𝐭𝐚 𝐝𝐡𝐚𝐪𝐚𝐧𝐜𝐞𝐥𝐢𝐧𝐭𝐚 𝐝𝐚’ 𝐲𝐚𝐫𝐭𝐚 𝐬𝐡𝐚𝐫𝐜𝐢𝐠𝐚 𝐤𝐡𝐢𝐥𝐚𝐚𝐟𝐭𝐚 oo deegaanka Mijacseeye ee gobalka Saaxil laga dhisay waagii Ingiriiska.

Xaruntan, ayaa gaar u noqon doonta caruurta da’ yarta ah ee gasha dambiyada maadaama oo Jeelasha waaweyn ee dalku aanay u diyaarsanayn in lagu hayo caruurta. Waxaana ay xaruntan ka heli doonaan daryeel caafimaad, waxbarasho, iyo dhaqancelin wanaagsan inta ba.
Xaruntan, ayaa ka mid ahayd balanqaadyadii Madaxweynaha Somaililand Mudane Cabdiraxmaan (Cirro) ee xiligii ololaha.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker