“Fowdo dani kuma jirto Qarameynta Ciidamadana Danteena ku jirta” Wasiir Cabdilaahi Baashe.
Afhayeen u hadlay ciidanka Suudaan ayaa sheegay in cidammadu ay dhawaan soo saari doonaan bayaan arrimahan ku saabsan.
Muuqaalo iyo sawirro la soo dhigay baraha bulshada oo ayaa muujinaya askar aad u faraxsan oo qoryahooda lulaya, oo samaynaya raynyan iyo jilba-joogsanaya u muuqda in ay xamdi-naqayaan.
Bishii Abriil ee sannadkii 2023-kii ayay ahayd markii xooggaga RSF ay si degdeg ah u qabsadeen xarunta madaxtooyada iyo inta badan caasimadda dalka Suudaan, wakhti yar uun ka din markii uu dagaalku qarxay. Laakiin Ciidanka Suudaan ee hubeysan ayaa dhowrkii bilood ee la soo dhaafay dib ugu soo laabtay iyaga oo ku soo dhawaanayay madaxtooyada kuwaasi oo ku socda Wabiga Nile.
Colaadda u dhexaysa ciidanka iyo xoogagga gurmadka degdegga ah (RSF) ayaa galaaftay tobanaan kun oo qof, malaayiin kalena waxa ay ku qasbeen in ay guryahooda ka barakacaan, iyada oo macuushu ay baahday tan iyo markii dalkaasi uu cagaha la galay dagaal sokeeye.