Puntland oo xaqiijisay dowladda Federaalka inay si qarsoodi ah askar uga qoranayso dhulkeeda
Maamulka Puntland ayaa markii ugu horraysay shaaciyay in dowladda Federaalka Soomaaliya ay si hoose dhallinyaro uga kaxaysanayso deegaannada Puntland si ay u askarayso uguna adeegsato dagaalka ay kula jirto kooxda Al-Shabaab.
Wasiirka Warfaafinta Puntland, Maxamuud Caydiid Dirir, oo ka hadlayay arrintan, ayaa sheegay in magaalada Boosaaso lagu qabtay siddeed dhallinyaro ah oo la ogaaday in laga dhoofinayay magaalada, kuwaas oo uu sheegay inay u socdeen dowladda Federaalka Soomaaliya.
Wasiirka ayaa xusay in dowladda Federaalka ay doonayso inay dhalinyaradaas si qorshe la’aan ah ugu haligto furimaha dagaalka Shabaab, isagoo intaa ku daray in dhallinyarada loo sheegay warar been ah oo la xiriira inay ka shaqeynayaaan doorashooyinka qof iyo cod.
Wuxuu ugu baaqay dhallinyarada inay ku sugnaadaan dhulkooda, kana feejignaadaan in loo adeegsado dagaalka uu ku tilmaamay mid qorshe la’aan ah.
Hadalka kasoo yeeray Puntland ayaa kusoo beegmaya xilli ay maalmo ka hor ay soo baxeen warar sheegaya in dowladda Federaalka ay ciidamo ka qoranayso magaalooyinka Garowe, Gaalkacyo iyo Boosaaso.