NISA oo rag ka tirsan Al-shabaab kusoo qabtay Howlgallo ay ka sameeyeen Dayniile iyo Dharkeenlay

War kasoo baxay Hay’adda Sirdoonka Qaranka Soomaaliya ayaa lagu sheegay in Ciidanka Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka ee NISA, oo howlgal qorsheysan ka fuliyay duleedka degmada Dayniile ee Gobolka Banaadir ay gacanta kusoo dhigeen dhagar-qabeyaal ka tirsan Al shabaab kuwaas oo ku howlanaa in ay qaraxyo soo galiyaan magaalada Muqdisho.

Warka Hay’adda ayaa shaaca looga qaaday in Howlgalka oo shalay galab dhacay lagu qabtay labo dhagar-qabe oo lagu kala magacaabo, Nuur Muxudiin Jabriil iyo Maxamed C/raxmaan Maxamuud, kuwaas oo xilliga gacanta lagu dhigay ku howlanaa in ay soo gelinayeen magaalada, 8 miino oo isugu jiray; 3 nooca soo boodda ah, 5 nooca dhejiska ah, iyo 2 bambo F1.

Dadkaan gacanta lagu soo dhigay ayay Hay’adda Sirdoonka muujisay inay wajihi doonaan Cadaalada maadama ay ku howlanayeen falal lidi ku ah amaanka guud ee Caasimadda iyo ku lug lahaanshiyahoodi Kooxda Al-shabaab oo Dowladda dagaalka kala soo horjeeda.

Sidoo kale, howlgal qorsheysan oo ciidanka NISA, ay ka sameeyeen degmada Dharkeynley waxa ay kusoo qabteen dhagar-qabe lagu magacaabo Cali Maxamed Cabdi oo Al shabaab dhexdeeda looga yaqaanay Macruuf iyo Cali foowdo, kaas oo dhawaan ay Al shabaab u soo direen magaalada Muqdisho si uu falal argagixiso uga fuliyo, kaddib markii Sirdoonka Qaranku uu horey ugu guuleystay in uu soo afjaro Shabakadihii Al shabaab ee qaabilsanaa dilalka iyo qaraxyada.

Ciidanka Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka ee NISA, ayaa xoojiyay howlgallada lagu cirib-tirayo haraadiga Al shabaab iyo Maleeshiyaadkoodi ee wali isku dayaya in ay maleegaan falalka argagixiso ee ka dhanka ah shacabka Soomaaliyeed ayaa lagu soo gaba gabeeyay warka kasoo baxay Hay’adda Sirdoonka Qaranka Soomaaliya.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker