Faahfaahin ka soo baxaysa rag hubeysan oo dad ka afduubtay Itoobiya

Rag hubeysan ayaa tobanaan qof oo rakaab ah oo saarnaa gaari bas ah ka af duubtay dalka Itoobiya, gaar ahaan gobolka ugu weyn dalkaas ee Oromiya, xilli ay ka soo safrayeen magaalada caasimadda ah ee Addis Ababa.

Faah-faahinta ayaa hadda soo baxaysa ka dib afduubkii dhacay horaantii todobaadkan.

Dhacdadan ayaa ka dhacday deegaanka Ali Doro, oo ku dhow deegaan sidan oo kale looga af-duubtay ku dhawaad ​​100 arday ah, kuwaas oo wax ka dhiganayay jaamacadda xilli ay ku sii jeedeen hoygooda bishii July ee la soo dhaafay.

Dadka badbaaday iyo mas’uuliyiinta deeganka ayaa afduubyadan ku eedeeyay Jabhadda Xoreynta Oromia (OLA), oo ah koox fallaago ah oo ka dagaalanta aagaas.

Ha yeshee kooxda ayaa iska fogeysay inay ku lug leedahay falalkaas afduubka.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker