Dowladda Soomaaliya oo ka warbixisay kulan dhex maray Madaxweynaha iyo wafdi ka socday Dowladda Imaaratka Carabta

 Dowladda Soomaaliya ayaa ka war kasoo saartay kulan gaar ah oo uu Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud uu magaalada Muqdisho kula qaatay wafdi heer sare oo ka socday Wasaaradda Arrimaha dibadda ee Dowladda Imaaratka Carabta.

Bayaanka Dowladda Soomaaliya kasoo baxay ayaa lagu sheegay in Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud uu kulan la qaatay Wafdi uu hoggaaminayo Wasiiru-Dowlaha Arrimaha Dibadda ee Isutagga Imaaraatka Carabta Mudane Sheikh Shakhboot Binu Nahyaan Aala-Nahyaan oo Madaxweynaha soo gaarsiiyey dhambaal iyo farriin uu ka siday Madaxweynaha Isutagga Imaaraatka Carabta Maxamed Binu Saayid oo xoojinaya xiriirka labo geesoodka ah iyo iskaashiga istiraatiijiga ah ee u dhexeeya labada dal.

Sidoo kale, Booqashada wafdigan ayaa daba-socota wada-hadal dhanka taleefanka ku dhex maray Labada Madaxweyne, wadahalkaas oo ay ku adkeeyeen iskaashiga iyo wadashaqeynta Labada dowladood.
Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa uga mahadceliyay Dowladda iyo shacabka Imaaraatka Carabta taageerada joogtada ah ee Soomaaliya iyo doorka ay ka qaadanayaan horumarinta iyo garab istaagga shacabka Soomaaliyeed.
Dhankiisa, Wasiiru-dowlaha Arrimaha Dibadda Imaaraatka Sheikh Shakhboot Binu Nahyaan Aala-Nahyaan ayaa uga mahadceliyey Dowladda Federaalka Soomaaliya soo dhaweynta diirran iyo sida ay uga go’an tahay xoojinta xiriirka taariikhiga ah ee labada dal, waxa uuna tilmaamay muhiimadda iskaashiga Soomaaliya iyo Imaaraatka ay u leedahay horumarka iyo xasilloonida Gobolka.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker