Dowladda Federaalka Somaliya oo beenisay in kaadhka aqoonsiga loo isticmaalidoono arrimaha doorashooyinka
Wasaaradda Arrimaha Gudaha Soomaaliya ayaa sidoo kale caddeysay in Kaarka Aqoonsiga Qaranka uu yahay mid ka duwan Kaarka Codbixinta doorashada, sidoo kalena aan wax shaqo ah ku lahayn arrimaha siyaasadeed.
Wasaaradda ayaa xustay in wixii la xiriira doorashooyinka, oo ay ku jiraan Kaarka Codbixinta, ay masuuliyaddiisa leedahay Guddiga Madaxa Bannaan ee Doorashooyinka Qaranka iyo Soohdimaha.
Wasaaradda Arrimaha Gudaha waxay ugu baaqday dhammaan muwaadiniinta Soomaaliyeed inay ka faa’iideystaan aqoonsigan casriga ah, si loo fududeeyo sida ay sheegtay, helitaanka adeegyada kor loogu qaado horumarka, loona adkeeyo sugnaanta nabadgelyada dalka.
Si kastaba ha ahaatee, degaanada Puntland ayaa laga diiday qaadashada kaarka aqoonsiga, iyadoo maamulka Puntland uu sheegay in qaadashada kaarkan uu yahay mid siyaasadaysan, loogana dan leeyahay doorashooyin aan heshiis lagu ahayn oo lagu majara-habaabinayo bulshada.
