Dowladda Fedaraalka oo faahfaahin ka bixisay howlgalo saacadahii lasoo dhaafay ka dhacay gobolada Shabeellooyinka
Howlgalka koowaad oo Xalay saqdii dhexe ka dhacay duuleedka deegaanka Sumadaale oo ka tirsan gobolka Shabeellaha Dhexe ayaa la sheegay in lagu beegsaday horjoogayaal iyo maleeshiyaad ka tirsan kooxda Al-shabaab oo shir ku lahaa duuleedka deegaankaas.
“Hawlgalkaan ayaa u dhacay sidii loo agaasimay, waxaana la toogtay dhamaan horjoogayaashii iyo maleeshiyaadkii goobtaasi joogay, kuwaas oo awoodi waayay inay ka baxsadaan ciidanka gaarka ah ee dowladda oo ku hawlgalayay xog sirdoon oo dhamaystiran. Hawlgalkaan oo qaatay saacado badan ayaa kusoo dhammaaday guul” ayaa lagu yiri Warsaxafadeedka kasoo baxay Wasaaradda Warfaafinta Soomaaliya.
Waxaa sidoo kale Warsaxafadedka lagu faahfaahiyay weerar khasaare geystay oo xubno ka tirsan Al-shabaab ku qaadeen waabarigii hore ee saakay fariisimo ciidanka dowladda ku leeyihiin deegaanka Sabiid iyo Caanoole ee gobolka Shabeellaha Hoose.
“Geesiyaasha Qaranka oo ku jiray feejignaan buuxda ayaa markiiba ka hortagay weerarka Khawaarijta, halkaas oo uu ka dhacay dagaal saacado qaatay, ugu dambayntiina lagu burburiyay Khawaarijta. Cadowgu waxa ay goobta uga carareen maydadka tobannaan maleeshiyaadkooda ka mid ah” ayaa lagu yiri Warsaxafadeedka.
Dowladda Fedaraalka ayaa sidoo kale bogaadisay guulaha ciidanka dowladda ka gaareen howlgaladii ugu dambeeyay ee ka dhacay deegaano ka kala tirsan gobolada Shabeellaha Dhexe iyo Shabeellaha Hoose, waxayna sheegtay iney sii wadi doonto howlgalada ay iska kaashanayaan ciidamada Qaranka, kuwa shacabka Soomaaliyeed iyo saaxiibada caalamka ah.
