Ukraine iyo Ruushka oo fuliyay duqeymo burburiyay kaabayaasha muhiimka ee labada dal
Ruushka iyo Ukraine ayaa labaduba fuliyay duqeymo xaga cirka ah, kaas oo burbur u geystay kaabayaasha muhiimka ah ee labadaasi dal.
Weeraradan ayaa imanaya saacado un ka dib markii madaxweynaha Ruushka, Vladimir Putin ay wada hadleen Donald Trump.
Madaxweynaha Ukraine Volodymyr Zelensky, ayaa sheegay in kaabayaasha dalkiisa Ukraine lala eegtay weerar ballaaran oo ay fuliyeen diyaaradaha aan duuliyaha lahayn,
Mr Zelensky ayaa sheegay, in kaabayaasha muhiimka ah ee uu Ruushka beegsaday ay kamid yihiin, isbitaallo ku yaala Sumy iyo xarunta bixisa adeegga korontada ee Slovyansk.
Ruushka ayaa sheegay in weerar ay Ukraine u adeegsatay diyaaradaha aan duuliyaha lahayn uu sababay dab ka kacay goob shidaalka lagu keydiyo oo ku taalla magaalada Krasnodar.