Somaliland oo sheegtay in waddankii raba in uu kala hadlo arrinta Falastiin uu marka hore aqoonsado

Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Somaliland, Cabdiraxmaan Daahir Aadan, oo waraysi siiyay warbaahinta dowladda Israaโ€™iil ee KAN, ayaa sheegay in cid kasta oo doonaysa inay kala hadasho arrinta Falastiin ay tahay inay marka hore aqoonsato Somaliland.

Wasiir Daahir, oo wax laga waydiiyay sida uu u arko wararka sheegaya in qaar ka mid ah dadka reer Qasa dib u dajin loogu samaynayo Somaliland, ayaa sheegay in ilaa hadda aysan jirin cid arrintaas kala soo xidhiidhay, balse ay muhiim tahay in waddan kasta oo raba inuu Somaliland kala hadlo qadiyado gaar ah uu marka hore aqoonsado.

“Waanu u furanahay in aanu wadahadal ka galno arrin kasta, balse ma rabo in aan buunbuuniyo wax aan nagalala hadal. Dhamaan waddamada xiisaynaya inay qadiyado naga la hadlaan waa inay marka hore xidhiidh rasmi ah nala yeeshaan oo ay safaarado ka furtaan Somaliland,” ayuu yidhi Wasiir Daahir.

Wasiirku waxa uu intaas ku daray in waxa ugu muhiimsan ee ay Somaliland rabto uu yahay aqoonsi. “Waxa anaga noogu muhiimsan waa in aanu helno aqoonsi, kadib markii aanu caalamka tusnay in aanu nahay dal nabadda jecel oo dimuqraadi ah,” ayuu yidhi.

Wakaaladda Wararka ee Associated Press ayaa dhawaan tabisay in saraakiil ka socda Israaโ€™iil iyo Maraykanka ay arrinta dib u dajinta dadka reer Qasa kala hadleen Somaliland, Soomaaliya iyo Suudaan, inkastoo saddexdooduba ay beeniyeen in cid lasoo xidhiidhay.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker