Nuxurka Qodobada lagaga Hadlay Shirkii Golaha Wasiirada Somaliland

Fadhigii 13-aad ee Shirka Golaha Wasiirada Jammhuuriyadda Somaliland oo uu shir-gudoominayey Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro) ayaa maanta ka qabsoomay Qasriga Madaxtooyada Somaliland, waxana lagaga wada hadlay arrimo badan oo mudnaan u leh Qaranka Somaliland, qodobada maanta waxa ka mid ahaa:

* Warbixin guud oo la xidhiidha Xaaladda Amniga dalka, waxa ka war bixiyey Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha iyo Amniga, isoo Golaha u sheegay in guud ahaanba Amniga dalku sugan yahay.

• Hab-sami u socodka iyo kobcinta Dakhliga Maaliyadda iyo Ururinta Cashuuraha iibka Adeegyada iyo Badeecadaha (GST); waxa Golaha warbixin guud ka siiyey Wasiirka Wasaaradda Maaliyada iyo Horumarinta Dhaqaalaha, isaga oo sheegay in ay hawluhu meel fiican marayaan.

* Warbixin la xidhiidha Kormeerka Xabsiyada Dalka iyo Furitaanka Xabsiga Mija-Caseeye: waxa Golaha warbixin guud ka siiyey Wasiirka Wasaaradda Caddaaladda. Sidoo kale Wasiirku waxa uu ka warramay xaaladaha nololeed ee maxaabiista ku xukuman iyo arrimaha u baahan in la hagaajiyo sida hoyga, caafimaadka iyo waxbarashada maxaabiista ku jira 14-ka Xabsi ee dalka.

* Warbixin la xidhiidha Xaaladda Dhoofka Xoolaha: waxa Golaha warbixin guud ka siiyey Wasiirka Wasaaradda Xannaanada Xoolaha iyo Horumarinta Reer Miyiga.

* Warbixin qoto dheer oo la xidhiidha hawlaha ay Wasaaradda Isgaadhsiinta iyo Tiknoolojiyada ay Qaranka uga masuulka tahay, waxana Golaha warbixin ka siiyey Wasiirka Wasaaradda Isgaadhsiinta iyo Tiknoolojiyada. Sidoo kale Wasiirku waxa uu si guud uga warbixiyey mashaariicda ka socda iyo kaalmooyinka Maaliyadeed ee ay hesho iyo heerarka ay marayaan. Sidoo kale Wasiirku waxa uu sheegay in Wasaaraddu ay ku hawlan tahay ururinta, kaydinta iyo ilaalinta xogaha Qaranka (National Data Centre).

* Wasiirka Wasaaradda Duulista Hawada iyo Horumarinta Madaaradda ayaa sharraxay Himilada iyo Hiigsiga Wasaaradda taasi oo ku qotonta: Somaliland ku xidhan Dunida, Dhaqaale ahaan Kobcaysa, leh kaabayaal Madaaro iyo Adeegyo Duulimaad oo ku sifaysan Bad-qab, Amni iyo Hufnaan. Dhinaca kale, Wasiirku waxa uu Golaha warbixin ka siiyay waxqabadka 100-ka cisho ee Wasaaradda Duulista Hawada, sidoo kalena Golaha u soo gudbiyey Hab-raaca Madaaradda Jamhuuriyadda Somaliland. Wasiirku waxa uu si qoto dheer u faahfaahiyey Tiirarka 5-ta ee Istaraatijiyadda 5-ta sano ee soo socda hagi doonta Wasaaradda.

* Hab-raaca ururinta 100-ka maalmood ee wax-qabadka Xukuumadda iyo isku-dubbaridka iyo qaaabaynta xogaha hawl-gallada ay Wasaaraduhu kaga qayb galayaan 100-ka maalmood ee ballanqaadyada Xukuumadda Wadajir iyo Waxqabad: waxa ka war bixiyey Wasiirka Wasaaradda Madaxtooyada.

• Wasiirka Wasaaradda Dawladaha Hoose iyo Horumarinta Magaalooyinka ayaa Golaha Wasiirrada la wadaagay Qorshaha Istaraatijiyadda ee 5-ta sano ee soo socda ay ku hawl geli doonto Wasaaraddu. Sida oo kale Wasiirku waxa uu ku taliyey in si dhaw loola socda Mashaariicda ay Hay’adaha caalamiga ah iyo NGO-yadu ka fuliyaan degmo Doorashooyinka balse aan soo marin Wasaaradda.

* Ugu dambayntii, Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro) ayaa Golaha Wasiirrada warbixin guud ka siiyey dedaalladii ugu dambeeyey ee nabadaynta Degmada Ceerigaabo iyo Qaramaynta Ciidamada Madaniga ah iyo Shirka Nabadaynta Ceel-Afweyn oo maanta ka furmay Ceel-Afweyn.

Madaxweynuhu waxa uu si weyn ugu mahad naqay Xubnaha Xukuumadda JSL ee uu hoggaaminayo Madaxweyne ku-xigeenka JSL isaga oo ku ammaanay hawlaha nabadaynta ee ay Ceerigaabo ka wadaan, hawlahaasi oo ku dhaw gabagabo, Madaxweyne-ku-xigeenka iyo weftigiisuna waxay ay hawlaha Qaramaynta ka sii wadi doonaaan meelaha kale ee Qaranka u qorshaysan.

 

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker