Berbera: Wiil iyo gabadh isku dayay in ay nafta is dhaafiyaan, kadib wiilkii dhawaan jacaylka isku gubay

Wiil iyo gabadh reer Berbera ah ayaa Talaadadii shalay isku dayay inay nafta is dhaafiyaan. Wiilka ayaa sun cabay, halka gabadhuna ay is daldashay.

Wiilka oo lagu magacaabo Cali Maxamed Cabdalle, ayaa sun cabay kadib markii ay is afdhaafeen haweenay u dhaxday. Isaga oo xaaladiisu xuntahay ayaa loola cararay Isbitaalka Wayn ee Berbera, halkaas oo hadda lagu dabiibayo.

Sidoo kale, gabadha oo magaceeda lagu sheegay Saado, kuna noolayd guriga Kawsar (gabadhii uu darteed isku gubay wiilkii dhawaan jacaylka isku gubay), ayaa is daldashay, kadibna si dirqi ah ayaa lagu badbaadiyay sida uu Suxufi Libaan Janaale u sheegay Horyaal TV.

“Goob-joogayaal aan ka mid ahaa ayaa inanta xadhiga ka furay, halkaas ayaana lagu badbaadiyay. Inanta da’adeedu waa 20 ilaa 22 jir, lama yaqaano sababta ay isku daldashay, lakiin hooyadeed ayaa noo sheegtay in ilaa hadda ayna hadlayn,” ayuu yidhi Janaale.

Labadan dhacdo ayaa imanaya kadib markii 15-kii bishan Maxamed Jaamac Gaaxnuux oo ahaa wiil dhallinyaro ah uu dab is qabadsiiyay, isla markaana u geeriyooday kadib markii ay waalidkiisu u diideen gabadh ay shaqo wadaag ahaayeen oo uu jacayl u qaaday.

Dhacdooyinkani Waxay noqdeen qaar naxdin badan oo dadku ay faaladooda isku waydaarsanayaan baraha bulshada iyo goobaha lagu kulmo. Berbera ayaa hore ugu suntanayd jacaylkii haleelay Cilmi Ismaaciil Liibaan (Cilmi Boodhari), oo hilaadii 1941 jacayl uu gabadh u qaaday u geeriyooday.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker