Wasiirka Arrimaha Dibadda Somaliland oo sheegay in xidhiidh bilow ahi ka dhexeeyo Maraykanka

Wasiirka Arrimaha Dibadda Somaliland, Cabdiraxmaan Daahir Aadan, oo wax laga waydiiyay warbixintii Financial Times ee ahayd in xidhiidh u bilowday Hargaysa iyo Washington, ayaa sheegay in xidhiidh bilow ahi ka dhexeeyo Somaliland iyo Maraykanka.

Waraysi uu siiyay BBC Somali ayuu ku sheegay in xidhiidhka u bilowday Maraykanka iyo Somaliland lagu salayn doono danaha labada dhinac, isaga oo xusay in mar walba ay ka duulayaan danaha Somaliland, gaar ahaan aqoonsiga.

“Aad ayaanu u xiisaynaynaa oo aanu usoo dhawaynaynaa xidhiidhka naga dhexeeya Maraykanka. Hadda waa xidhiidh bilow ah, waxaana ugu muhiimsan in danta Somaliland iyo danta Maraykanku ay iswaafaqaan,” ayuu yidhi Wasiir Aadan. “Waxa noo muhiim ah in xidhiidh kasta oo aanu samaynayno uu ku salaysnaado danaha Somaliland iyo aqoonsiga Somaliland.”

Mar la waydiiyay in Somaliland saldhig ciidan oo Maraykanku ku yeesho Berbera ay ku beddelanayso aqoonsi, ayuu sheegay in aanu hadda rabin in uu ka hor dhaco wax aan bislayn.

Arrinta ku saabsan qaabilaadda dadka reer Falastiin ee uu Trump rabo in uu baro-kiciyo ayaa sidoo kale wax laga waydiiyay wasiirka. Mar kale, sidii uu ku sheegay waraysigii Reuters, ayuu xusay in anay jirin cid codsi ula timid ama arrinta kala hadashay, sidaas darteedna aanu doonayn in uu buunbuuniyo wax aan miiskaba oollin.

Wasiirka oo inta kadib wax laga waydiiyay xidhiidhka Somaliland iyo Itoobiya, iyo is-fahamkii ay dhinacyadu gaadheen sannadkii hore, ayaa sheegay in xidhiidhka labada dhinac marayo meeshii ugu fiicnayd, isla markaana aanay waxba iska beddelin xidhiidhkooda.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker