Koox looga shakisan yahay Burcad badeed oo afduubtay doon Kalluumeeysi oo laga leeyahay Yemen

Wararka ka imaanaya Degmada Eeyl ee gobolka Nugaal ayaa kusoo waramaya in Koox hubeysan oo looga shakisan yahay inay burcad badeed yihiin ayaa xeebaha degmada Eyl waxa ay ka afduubteen dooni kalluumeysi oo laga lee yahay dalka Yemen.

Bayaan kasoo baxay Hawlgalka Ciidamada Badda ee Midowga Yurub (EUNAVFOR) ayaa lagu sheegay in lagu wargeliyay dhacdo looga shakisan yahay in ay la xiriirto burcad-badeednimo taasi oo xeebaha degmada Eyl ee gobolka Nugaal lagaga qafaashay dooni kalluumeysi oo laga lee yahay waddanka Yemen.

Warsaxaafadeed ka soo baxay Hawlgalka Ilaalada Xeebaha ee Midowga Yurub (EUNAVFOR) ayaa lagu sheegay in doontaasi ay qafaasheen rag hubaysan oo ka kooban 7 nin kuwaasi oo lagu tuhmayo in ay yihiin burcad-badeed Soomaaliyeed balse weli dhacdada baaritaan uu ku socdo.

Hawlgalka Ilaalada Xeebaha ee Midowga Yurub (EUNAVFOR) ayaa intaasi raaciyay in doonta la qafaashay ay saaran yihiin 8 shaqaale ah oo dhammaantood Soomaali ah waxaana dhacdadaani imaanaysaa bil kaddib markii burcad-badeedu weerartay doontii Seytuun2 oo uu ka babanayay calanka Yemen.

Xeebaha Degmada Eyl waa meelaha ay inta badan burcad badeeda Soomaalida ay ka ugaarsadaan maraakiibta iyo doomaha Kallumeeysi kuwaasi oo mararka qaar ay ka qaataan lacago madax furasho ah.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker