Mareykanka oo tarxiilay muwaadiniin u dhashay dal kale
In ka badan 200 qof oo u dhashay dalka Venezuela oo uu Aqalka Cad ku eedeeyay in ay yihiin xubno burcad ah ayaa laga tarxiilay Mareykanka isla markaana loo gudbiyay xabsiga supermax oo ku yaala dalka El Salvador ee bartamaha America.
Madaxweynaha El Salvadoran, Nayib Bukele, ayaa qoraal uu soo dhigay baraha bulshada ku sheegay in 238 oo qof oo ka tirsan kooxda burcadda Venezuela ee Tren de Aragua, ay subaxnimadii Axadda soo gaareen dalkiisa, kuwaas oo ay wehliyaan 23 xubnood oo ka tirsan burcadda caalamiga ah ee MS-13,
Dowladda Mareykanka iyo El Salvador midkoodna faahfaahin dheeraad ah kama bixin maxaabiista iyo dembiyada lagu eedeeyay.