Magaalada Hargeysa oo laga mamnuucay qaadashada hubka fudud sida midiyaha
Guddida Nabadgelyada Caasimadda Somaliland ee Hargeysa ayaa go’aanno ay gaadheen ku mamnuucay qaadashada hubka fudud sida midiyaha, baangadaha iyo wixii la mid ah.
Go’aankan ayaa yimid kadib markii dhawaan laba qof qudh-gooyo loogu geystay degmada Maxamed Mooge ee Hargeysa. Guddida Nabadgelyada Caasimadda ayaa shaacisay in la mamnuucay qaadashada toorreyda, midiyaha iyo baangadaha dhammaan degmooyinka caasimadda.
Guddoomiyaha Gobolka Maroodi Jeex, Axmed Maxamed Cadaad, ayaa yidhi: “Waxaan isla qaadanay in degmo kasta oo caasimadda ku taalla ay mamnuuc ka tahay qaadashada midiyo, toorrey, baangado iyo hub la mid ah. Qofkii lagu qabto isaga oo gacanta ku sita waxa uu mutaysan doonaa in sharciga la horgeeyo.”
Waxa kale oo ay sheegeen in qofkii qof kale u adeegsada midi ama dhaawac kusoo gaadhsiiya hubka noocyadiisa kala duwan aan la sii dayn doonin, balse lala xisaabtami doono oo sharciga la horgeyn doono.
Sidoo kale, waxa la mamnuucay dhallinyarada koox-kooxaha u socda ee ujeeddadoodu tahay inay cid dhibaateeyaan. Waxa ay tilmaameen in kooxaha kubadda cagta ee Wasaaradda Dhallinyarada iyo Ciyaaraha ka diiwaangashan oo keliya loo oggolaan doono inay koox-kooxo ahaan isu abaabulaan.
“Waxa loo digayaa cid kasta oo dhallinyaro ah oo wada xasillooni darro, qas iyo qalalaase. Waxa loo aqoonsan doonaa dad dambiileyaal ah, sharcigana waa la horgeyn doonaa” ayuu Cadaad hadalkiisa sii raaciyay.
Ugu yaraan afar qof oo dilkooda loo adeegsaday toorrey ayaa bilihii u dambeeyay lagu dilay magaalooyinka Gabiley iyo Hargeysa, iyadoo sidoo kale ay jiraan dad midiyo lagu dhaawacay.