Madaxweyne Cabdiraxmaan Cirro Oo Safar Ugu Baxaya Berbera.
Madaxweynaha Somaliland Dr. Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi ayaa la sheegay in uu maalmaha inagu soo fool leh safar ugu baxayo Berbera isaga oo dhagax dhigi doona Mashruuca Laydhka Tamarta Cadceeda ku shaqeeya oo ku jirtay balanqaadyadiisii xilligii Ololaha Doorashooyinka.
Mashruucan oo ay dadka Deegaankaasi Baahi wayn u qabeen, maadaama ay ku taalo Magaaladdu Xeeb ayaa ah mid ka mid ah balanqaadyadii Xukuumadda Cusub oo ku hirgalay muddo kooban.
Lama oga in Madaxweynuhu uu Magaaladda Burco u sii dhaafi doono iyo in Halkaasi ka soo noqonayo.
Dhinaca kale Madaxweyne ku Xigeenka Somaliland Maxamed Cali Aw Cabdi ayaa isna todobaadyadan dib ugu soo laaban doona Hargeysa maadaama meel gabogabo ah u marayso hawsha Qaramaynta Ciidamada Maddaniga ah ee ka hawl galayay Gobolada Sool iyo Sanaag ee Somaliland.