DRC oo ka digtay xaalada gaajada ee bilaha soo socda kusoo wajahan Soomaaliya
Hay’adda Danish Refugee Council (DRC) ayaa walaac xooggan ka muujisay mustaqbalka cuntada ee Soomaaliya ka dib roobabkii Deyrta oo baaqday, iyadoo celcelis ahaan saadaasha roobabka la filan karo bilaha April iyo June ay yar yihiin waxay sababi doontsa in ilaa 4.4 milyan oo qof ay noqon doonaan kuwa ay gaajadu saameyso.
DRC ayaa sheegtay in arrimahaani ay ugu wacantahay abaaro, colaado, iyo sare u kaca qiimaha cuntada, Arrintan ayaa ku soo beegantay wax ka yar laba sano oo ay ka soo wareegtay abaartii ugu dheerayd ee soo marta taariikhdaan casriga ah Soomaaliya, taas oo dalka gaarsiisay heerkii macaluul.
Sida laga soo xigtay warbixinta caalamiga ah, bulshooyinka maxalliga ah ee Soomaaliya waxay la ildaran yihiin dhibaatooyin kala duwan, iyada oo ay yar tahay calaamad muujinaysa in la qaado tallaabo degdeg ah si looga hortago dhibaatooyin kale oo nafeed iyada oo loo marayo jawaab-celin bini’aadanimo oo ku habboon.
Hay’adda Danish Refugee Council ayaa sheegtay in go’aanka dowladda Mareykanka ay ku joojisay gargaarkii dhammaan qandaraasyada gargaarka ee Soomaaliya, oo ay ku jiraan kuwa taageera gargaarka naf-badbaadinta, ay halis ugu jirto inay uga sii darto dhibaatada ka jirta dalka oo dhan.
Horey Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Soomaaliyeed (SoDMA) iyo Hey’adda Cunnada iyo Beeraha ee Qaramada Midoobay (FAO) ayaa ugu baaqay dhammaan dhinacyada ay khuseyso inay si degdeg ah uga diyaar garoobaan cawaaqibka ka dhalan kara roob yarida la filayo xilliga Guga 2025.