Dawladda Rwanda oo xidhiidhkii u jartay dalka Belgium-ka,
Dawladda Rwanda ee bariga Afrika, ayaa xidhiidhkii u jartay dalka Belgium-ka, waxayna diblomaasiyiinta dalkaasi ku amartay inay 48 saacood gudahood kaga baxaan dalkooda.
Sidaana waxa lagu sheegay war maanta ka soo baxay Wasaaradda Arrimaha Dibadda Rwanda, taasi oo dawladda Belgium-ka ku eedaysay inay hawlan tahay ficilo halis ku ah amniga qaranka Rwandha, iyadoo ay labada dal isku khilaafeen dagaalka ka socda bariga dalka Jamhuuriyadda Dimuqraadiga Koongo.
Wasaaradda Khaarajiga Belgium-ka oo iyaduna war soo saartay ayaa sheegtay inay ka xun tahay go;aanka ka soo baxay dawladda Rwanda, waxayna iyaguna amreen in aanay diblomaasiyiinta reer Rwanda dalkooda iman karin.