Booliska Soomaaliya oo xidhay askari Taraafika ah oo dil u geeystay wade mooto bajaaj

War uu soo saaray Taliska Ciidanka Boliiska Soomaliyeed ayaa lagu sheegay in gacanta lagu soo dhigay askari kamid ah kuwa ilaalada wadooyinka ee Taraafikada loo yaqaan kaa oo dil bareer ah ugu geeystay isgooyska afarta Jardiin ee magaalada Muqdisho wade Mooto Bajaaj ah.

Dilkaasi oo shalay dhacay waxa ay keentay inay ka dhalato rabshado ay sameeyeen dhalinyaro degaanka iyo kuwa mooto bajaajyada kaxeeya kuwaasi oo xitaa gubay gaari Boolis ah iyagoo si aad ah uga carooday dilka wiilkaasi Bajaajlaha loogeeystay.

Afhayeenka Booliska Soomaaliya Cabdifitaax Xasan Adam ayaa sheegay in ruuxii dilka geeystay lasoo xiray lana marsiin doono cadaalada, waxa uu xusay inaan la aqbali karin in muwaadinka lagu xadgudbo.

”Eedeysanihii Dilka Geystey ee Ka tirsanaa Taraafikada gacanta ayaa lagu soo dhigey wuxuuna ku xeran yahay Hoggaanka Baarista Dembiyada (C I D ) mala aqbali dooni in La Burburiyo Hanti Dadweyne Dembiga waxaa masuuliyadiisa leh Shaqsiga geystey” ayuu yiri afhayeenka Booliska Soomaaliyeed.

Dad goob joogayaal ayaa sheegay in askariga iyo wadahii Bajaajta ay murmeen kadibna uu askariga lasoo baxay Bastoolad sidaasna nolosha ku dhaafiyay wadihii Mooto Bajaajta.

Dhacdada noocani oo kale ah maahan mid ku cusub dhagaha Shacabka Muqdisho oo dhowr jeer waxaa dhacay dhacdooyin noocaani lamid ah oo askari iyo mooto bajaajle wada murmay ay ku dambeeyso in la dilo wadaha Mootada.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker