Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha iyo Amniga iyo Guddoomiyaha Komishanka Xuuquuqda Aadamaha Qaranka oo yeeshay kulan muhiim

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha iyo Amniga Cabdalle Maxamed Carab, Guddoomiyaha Komishanka Xuuquuqda Aadamaha Qaranka Maxamed Baaruud, Agaasimaha Fulinta iyo komishaneerada Komishanka, ayaa yeeshay kulan muhiim ah oo lagu xoojinayo wada-shaqeynta Wasaarada Arrimaha Gudaha iyo Amniga iyo Komishanka Xuquuqul Aadamaha Qaranka si loo horumariyo xaaladaha xuquuqda aadamaha Dalka.
Wasiirka Arrimaha Gudaha iyo Amniga Cabdalle Maxamed Carab ayaa hoosta ka xarriiqay sida ay Xukuumada uga go’an tahay ilaalinta xuquuqda aadanaha, wuxuuna xaqiijiyay in Wasaaraddu ay diyaar u tahay wada-shaqeyn buuxda la yeelato Komishanka Xuuquuqda Aadamaha Qaranka si loo horumariyo loona ilaaliyo xuquuqda muwaadiniinta, gaar ahaan kuwa ka tirsan bulshada nugul.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker