Safaaradda Maraykanka oo beenisay inay shaqaalaheeda ka daad gureysay magaalada Muqdisho

Safaaradda Maraykanka ee Soomaaliya ayaa beenisay wararka sheegaya in safaaraddu ay bilowday daadgureynta shaqaalaheeda muhiimka ah ee magaalada Muqdisho ku sugan.

Warar aan rasmi ahayn oo baraha bulshada lagu faafiyey ayaa tilmaamayay in xaaladda ammaanka ee caasimadda ay kasii dareyso, taasoo keentay in Mareykanku kala baxo shaqaale muhiim ah.

Hase yeeshee, safaaradda ayaa qoraal kooban oo ay soo saartay waxay ku beenisey wararkaas, iyagoo xusay in safaaradda ay si caadi ah u shaqeynayso.

Dhawaan ayay ahayd markii Safaaradda Mareykanka ee Muqdisho ay soo saartay digniin amni, iyadoo ka digtay khataro amni oo ku saabsan weeraro lagu bartilmaameedsado goobo badan oo Muqdisho ka mid ah oo uu ku jiro garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee caasimadda.

Safaradda ayaa dhammaan shaqaalaheeda ka joojisay safarada ilaa amar dambe. Sidoo kale, muwaadiniinta Maraykanka ayaa laga joojiyay inay u safraan magaalada Muqdisho.

Safaaradda ayaa sheegtay inĀ  kooxaha argagixisadu ay ku howlan yihiin abaabulka qaraxyo iyo weeraro. Waxayna sheegtay in xaaladda ammaan ee Soomaaliya ay weli ah mid qasan.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker