Dowladda Maraykanka oo weeraro cirka ah ku qaaday kooxaha Xuutiyiinta ee Yemen
Madaxweynaha Maraykanka, Donald Trump, ayaa Sabtidii ciidammada cirka ku amray inay duqeeyaan badhtilmaameedyada Xuutiyiinta ee magaalada Sanca iyo Saada, halkaas oo ay ka fuliyeen duqeymo culus.
Trump ayaa sheegay inuu qaadi doono weerarro isdaba joog ah oo cirka ah haddii kooxda Xuutiyiintu ay joojin waayaan weerarrada ay ku hayaan maraakiibta ganacsiga.
“Dagaalyahannadeenna geesiyaasha ah ayaa hadda qaaday weerarro cirka ah oo ay la beegsanayaan saldhigyada, hoggaamiyeyaasha iyo difaacyada gantaallaha ee argagixisada, si ay u ilaaliyaan maraakiibta Maraykanka,” ayuu yidhi Trump.
Waxa uu intaa ku daray in kooxaha argagixisada aysan awood u lahayn inay meel ka mid ah caalamka ku waxyeelleeyaan maraakiibta ganacsiga ee Maraykanka. Dhinaca kale, waxa uu digniin u diray dowladda Iran oo taageerta Xuutiyiinta.
Kooxda Xuutiyiinta ayaa warbaahinta u sheegtay in qaraxyo waaweyn laga maqlay fiidkii Sabtida gudaha magaalada Sanca iyo gobolka waqooyi ee Saada, ee xadka la leh Sacuudi Carabiya, sida ay baahisay wakaaladda wararka ee AP. Xuutiyiintu waxay intaa ku dareen in weerarradaasi lagu dilay 13 qof oo shacab ah.
Kooxda Xuutiyiinta oo ka carootay xasuuqii ay Israa’iil ka gaysatay magaalada Qasa, ayaa bilowday in ay weerarto maraakiibta Israa’iil iyo Reer Galbeedka.