Mareykanka oo diiday dalabaad ka yimid Xamaas
Wada-hadallada lagu dheereynayo xabbad-joojinta Qasa ayaa lagu guul-darreystay in lagu gaaro is afgarad, sida sarkaal Falastiini ah uu u sheegay BBC, iyadoo Mareykanku uu Xamaas ku eedeeyay inay shirka Qadar ka soo jeediyeen dalabaad “gebi ahaanba aan dhaqan-gal ahayn”.
Dhexdhexaadiyeyaasha ayaa isku dayayay inay la yimaadaan qaab hore loogu sii socon karo kadib markii wejigii hore ee xabbad-joojinta ku meel gaarka ah uu dhammaaday 1 March.
Mareukanka ayaa soo jeediyay in wejiga hore la dheereeyo ilaa bartamaha April, waxaana ka mid ah sii socoshada is dhaafsiga maxaabiista iyo la heystayaasha.
Balse sarkaal Falastiini ah oo aan la magacaabin ayaa sheegay in Israa’iil iyo Xamaas ay isku afgaran waayeen qodobbada ugu muhiimsan ee heshiiska uu soo jeediyay erayga Mareykanka ee Bariga Dhexe.
Israa’iil ayaan weli ka hadlin arrintan, balse xafiiska Raysal Wasaare Benjamin Netanyahu ayaa sheegay inuu warbixin ka heli doono kooxda dhexdhexaadinta Israa’iil gelinka dambe ee maanta.