Iiraan oo diyaaradaha aan duuliyaha lahayn u adeegsaneysa haweenka aan dhaqanka Islaamka u hoggaansamin
Iiraan ayaa adeegsaneysa diyaaradaha aan duuliyaha lahayn iyo teknoljiyad casri ah si ay wax uga qabato kuwa aan amarka raacin, gaar ahaan haweenka diida inay u hoggaansamaan shuruucda adag ee Islaamiga ah ee jamhuuriyadda, sida ay sheegtay QM.
Baarayaasha ayaa sheegay in saraakiisha ammaanka ee Iiraan ay adeegsadaan istaraatiijiyad u kuur-gelid ah oo lagu dhiirri-gelinayo dadka inay isticmaalaan telefoonno gaar ah si ay usoo sheegaan haweenka aan xijaabka xiran ee lagu arko gawaarida gaarka loo leeyahay dhexdooda, sida takaasida.
Warbixintan cusub ayaa sidoo kale lagu sheegay in Iiraan ay kordhisay adeegsiga diyaaradaha aan duuliyaha lahayn iyo kaamirooyinka ammaanka si loogu kuur-galo xirashada xijaabka ee guraha Tehran iyo koofurta Iiraan.
Haweenka aan u hoggaansamin sharciga, amaba ka gadooda, ayay ciqaabtoodu adag tahay – waa xarig, garaacis, iyo xitaa kufsi loogu geysto gudaha xabsiga.